QORMO:- Juxaa mana hodi doonaa mise wuu na hayaamin doonaa?

0

Horta marka hore waxaan rabaa inaan si wayn ugu hambalyeeyo soona dhaweeyo wasiirka cusub ee arimaha Gudaha Puntland Mudane Abdi Farah Saeed “Juxaa”, waxaa uu booska yimid xili adag oo kala guur ah, xilli dabayshii isbedelku dhowyahay dawladuse jiho cusub aaday.

Aqoontayda Juxaa.

Cabdi Faarax waxaan aqaanay kudhawaad 14kii sano ee ugu dambaysay oo uu kamid ahaa foolaadka siyaasiyiinta Puntland iyo guud ahaan tan Soomaaliyaba, waxaan kale oo darsay sifiicana u bartay taariikhdiisii mudadaas ka hor iyo xiligii halganka oo uu doorwayn kasoo qaatay maalmihii ay dadku ugu jilicsanaa, wuxuu mudadaas dheer ahaa nin aanan dhuuman oo jiida iyo meesha ugu adag istaaga markaasoo giiryaalaha iyo Fuleyba dhuuntaan.

Juxaa intaan aqaano waa nin aanan qabiil ku xirnayn, xisbi ku xirnayn, cidgaarana faqwadaag la’ahayn, sidoo kalena waa nin xor ah fikradiisana aanan la gaban, waxaaba mararka qaar madaxdiisu ku qoonsanjireen inuu yahay nin aanan cidna u guulwadayn laakiinse kudhaca waxa saaxiibadiisa wasiirada ahi dhagta isugu sheegaan taasna waxaa cadaynaysa sidii uu uga dhexmuuqday golayaashii uu katirsanaa (Puntland iyo DFkaba), sidoo kale Juxaa badanaa wasiiradii uu lasoo shaqeeyey waxay u yaqaaneen “Gooni-Daaq” waxkalena maahane ninwalba oo gole kalatirsanaa wuxuu ka cabsan jiray in ladhaho Juxihii hadalka adkaa buu saaxiib layahay oo sidaas baa looga gabadaa.

Cabdi Faarax iyo xilkaan cusub.

Wasiir Juxaa wuxuu xafiiska yimid xili kala guur ah, xili dawlada uu kusoo biiray ay badi dadkii geed fadhiga u ahaa kala guureen, xili ay dabaysha kala guurku soo muuqato.

Juxaa sidaan qiyaasayo ujeedada ugu wayn oo dawlada ay isaga iyo saaxiibadiis Mohamed Abdiwahab (Wasiirka Cadaalada) iyo Maxamed Siciid Faroole (Max Samofale) Wasiirka Qorshaynta ay ugu biireen ay tahay in ay kamirodhaliyaan hamiga dadka reer Puntland ee waqti dheer soo socday kaasoo ahaa in dadku ay doorasho dadweyne aadaan hogaanka siyaasadda iyo golayaasha Wakiilada iyo Deegaankana ay bulshadu soo doortaan, Hamigaasi waa mid siwayn mudo dheer dadka ugu jiray waana mid uu Juxaa caan ku ahaa inuu u dhaqdhaqaaqo dadbadana ay ku kala dhinteen.

Dawlada imika jirta ee madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni iyo TPEC waxay sanadkii koowaad iyo kii labaadba bilaabeen shaqo culus oo sare u qaaday hamiga bulshada ee dhanka dimuquraadiyada Laakiinse hamiga bulshada waxaa siwayn u waxyeeleeyey habdhaqanka dawlada ee sanadkii ugu danbeeyey, waxaa muuqatay in dawladu ay howlo kale uga mashquushay dhamaystirka doorashada golayaasha deegaanka islamarkaasna mudo sanad ah ay qaadatay dhismaha golihii Deegaanka ee degmada Eyl khilaaf iyo isqabqabsi ka dhexjira ururka dawlada ee Kaah dartiis tiiyoo markii dambena dawladu si layaableh oo kalsooni xumo abuurtay ay ku maaraysay xalintiisii bilowgii bishaan, waxaa kale oo Juxaa uu xafiiska yimid waqti mudada u hartay xukuumada uu soo yaraanayo, dad badan oo reer Puntland ah waxay shaki wayn ka qabaan mudada hartay iyo shaqada dhiman oo kaaf iyo kal dheeri ah, halkaas markay marayso waxaa baqdin laga qabaa in Kudarsasho loo socdo waana sababta dadbadani ay quus uga taaganyihiin in si sax ah howsha dhiman loo qaban karo, laakiinse waxaa jirta filasho wayn oo laga qabo Juxaa oo ah nin aanan usacaba tumin kudarshada islamarkaasna aanan qayb ka noqon karin kudarsasho dan leh iyo khilaaf dastuuri ah oo uu dalku galo.

Ugu danbayn filashada wayn ee dad badan oo aan kujiro ay Juxaa ka qabaan iyo mudada dhiman waa arin u baahan in waqtigu ka jawaabo waxaanse ku kalsoonahay in uu ka dabaalan doono Juxaa islamarkaasna shaqo wanaagsan qaban doono waxaana taas sabab uga dhigayaa lixojeclida iyo kartida aan ku ogahay.

W/Q:-Abdikani Hayir