Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle” Dowladda Qatar waxay xagal daacineysaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab”

0

Madaxweynihii hore ee Hir-Sabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in dowladda Qatar oo kamid ah dowladaha Carbeed ay dadaal ku bixineyso sidii loo joojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle waxaa uu ku sheegay in dowladda Qatar ay beerlaxawsi la dhex wareegeyso qaar ka mid ah maamullada iyo siyaasiyiinta Soomaalida ayadoo dooneysa in la joojiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabab oo wada hadal lala galo.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Madaxweynihii hore ee Hir-Sabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

War i soo gaaray ayaa sheegaya iney dowladdii Qatar aheyd ay beerlaxawsi la dhex wareegeyso qaar ka mid ah maamullada iyo siyaasiyiinta Soomaalida ayadoo dooneysa in la joojiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabab oo wada hadal lala galo.

Xaqiiqda waxey tahay Qatar wexey dooneysaa iney lacag ku bixiso sidii cadaadis loo saari lahaa Madaxweyne Xasan Shekh Maxamud si uu u oggolaado inuu wada hadal la furo argagixisada.

Sidaasoo ay tahay haddana Qatar daacad kama aha heshiiska ee wexey rabtaa iney Al Shabab sidey u dhan yihiin ka soo mid noqdaan maamulka dowliga ah iyo ciidamada kadibna ay la wareegaan talada dalka.

Qatar ma wexey la tahay in la moog yahay dibindaabyadii ay ku sameysay dowladdii rayidka aheyd ee Afganistan ee ay shirarka riwaayadeynta ah u qaban jirtay ayadoo isla markaana ay hub, saanad iyo dhaqaale ku bixisay sidey Daliban u qabsan lahaayeen Afganistan?

Qatar ma waxey is leedahay Soomaali waa Afrikaan aan garasho fog laheyn oo aan odorosi karin dibin daabyadii ay Soomaali ku heysay muddada ka badan labaatameeyada sano? Iyo weliba ayagoo sabool ah oo ay baahi kala caddahay?

Qatar ma waxey moog tahay iney dunida sidii hore isaga dhaw dahay Soomaalidana tahay dad la socda dunid casriga ah loona shidi karin filim dunida hore looga daawaday?