AKHRISO:- RW kuxigeenka DFS oo shir Muhiim ah guddoomiyay.

0

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyay Shirka guddi hoosaadka Tiirka Horumarinta Arrimaha Bulshadda oo looga hadlay yaraynta saboolnimada,dardar galinta gurmadka abaaraha, baraarujinta dhallinyarada ee kacdoonka lagu cirib tirayo argagixisada iyo sidii Soomaaliya looga saari lahaa xaaladdaha bani’aadantimo ee labaatankii sanno ee u danbeeyey soo laalaabtay.

Kulank ayaa warbixinno looga dhagaystay qorshayaasha Wasaaraddaha ku shaqo leh tiirka horumarinta arrimaha bulshada si loo waafajiyo qorshaha Xukuumadda Dan- Qaran.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, ayaa tilmaamay in guddiga looga baahan yahay in ay la yimaadaan howl-karnimo iyo daacadnimo si wadajir loogu hirgaliyo halbeegyadda muhiimka u ah Tiirka Horumarinta Arrimaha bulshadda.