AKHRISO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Addis Ababa lana kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray Magaalada Addis Abba ee Caasimadda waddanka Itoobiya, waxaana soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Madaxweynaha ayaa Madaxda dalka Itoobiya la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan xal u helidda caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal.

War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ahmiyad gaar ah siinayo in dalalka Gobolku ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan dabar-goynta Al-shabaab oo caqabad ku ah xasilloonida iyo nolasha shucuubta geeska Afrika, horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo wax-wada qabsiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Addis-ababa waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.