AKHRISO:- Maamulka degmada Baraawe oo waqti u qabtay dadka hubka ku dhex heysta Gudaha degmadaas

0

Maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa amarro la xiriira dhanka amniga waxa uu kusoo rogay Shacabka kunool degmadaas, xilli degaano kamid ah maamulka Koonfur Galbeed ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose Dr, liiban Abuukar Cusmaan ayaa sheegay in marnaba maamulku aqbali doonin in dadka Shacab ah ay hub ku dhex heystaan Gudaha degmadaas, isaga oo ugu baaqay in muddo 24 saac gudahood ah kusoo wareejiyaan.

Wuxuu sheegay in qori aan ka diiwaan gashaneyn degmada anaa lagu dhex heysan Karin loona baahan yahay in dadka Shacabka ay ay hubkooda kula daaalamaan Al-Shabaab ama ay ku wareejiyaan Ciidamada kala duwan eek u sugan degmadaas.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose Dr, liiban Abuukar Cusmaan wuxuu sheegay in qofkii ka dhega-adeega amarkooda ay u qaadanayaan in hubkiisa uu ugu talo galay inay ku dagaal galaan ururka Al-Shabaab.

Hadalka Guddoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose Dr, liiban Abuukar Cusmaan aya kusoo aadaya xilli meelo badan oo dalka kamid ah ay ka socdaan dagaalo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.