AKHRISO:- Hal Ruux oo ku dhintay Barkad uu ku dhacay duleedka Hargeysa

0

Falkaan ayaa waxaa uu ka dhacay tuulada Garabays oo 10 km koonfur galbeed ka xigta Magaaada Hargeysa kadib markii Barkad uu ku dhacay Nin kasoo jeeda Qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya.

Ninka oo lagu Magacaabi jiray Bashiir Cabdillaahi Abokor ayaa muddo badan deganaa Tuulada Gaeabeys, waxaana markii uu Barkadda ku dhawacay uu waayay cid u gurmata, balse Ciidamada Dab-demiska Hargeysa oo goobta tegay ay maydka ka soo saareen Barkada.

Dhacdooyinka la xiriira dadka ku dhacaya Barkadaha ee dhulka Miyiga ah ee kuyaalla duleedka Magaalada Hargeysa ayaa aad u badan, iyada oo dad u badan Carruur ay dhowr jeer ku dhinteen.