AKHRISO:- GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO WADA HADAL KHADKA TELEEFOOKNKA AH LA YEESHAY DHIGIISA DALKA TURKIGA.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo dhigiisa guddoomiyaha baarlamaanka Dalka Turkiga Mustafa Sentop oo yeeshay wada hadal khadka telfoonka ah ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo dar dargelinta xiriirka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Dalka Turkiga.

Labada mas’uul ayaa waxyaabaha isla soo hadal qaadeen inta wada hadalkoodu uu socday waxaa ka mid ah xiriirka labada dal, arrimaha gobolka iyo caalamka,waxaana ay ku balameen in la adkeeyo xiriirka labada wadan ee walaalaha ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (madoobe iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Turkiga Mustafa Sentop ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta shaqada guddiga saaxibtinimada baarlamaanada labada wadan.