AKHRISO:- Dowladda Somalia oo Canada ka codsatay inay kordhiso Gurmadka looga jawaabayo Abaaraha

0

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo booqasho kujooga Magaalads Ottawa ee dalka Canada ayaa la kulmay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Canada HoruHarjit Sajjan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Wasiirka ka codsaday in dawalada Canada ay kordhiso deeqda looga jawaabayo gurmadka abaaraha Soomaaliya, sidoo kalena uu ka codsaday in ay nagala qaybqaataan, gaar ahaan dawladaha iyo hay’adaha ay xiriirka iyo saamaynta ku leeyihiin, sidii Soomaaliya loogu soo jeedin lahaa indhaha beesha caalamka, loona xoojin lahaa gurmadka abaaraha.

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la kulmi doona Madax kale oo katirsan dowladda Canada isaga oo kala hadli doona Arrimaha gurmadka Abaaraha.