AKHRISO:- Maamulka Hir-Shabeelle oo guddi gurmad gaarsiiya u magacaabay degaannada laga saaray Al-Shabaab

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa magacaabay guddi ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi Hirshabelle oo taakuleyn gaarsiiya deegaannada laga xureeyay Ururka Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamanaka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in kadib markii uu arkay baahida loo qabo taageeridda iyo dhirigelinta Ciidanka degaanka ee Hirshabelle uu Baarlamaanka Hirshabelle iska jaray Mushaarkiisa si uu ugu taageero una dhirigeliyo shacabka iyo ciidamada deegaanka.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in la Magacabay Guddi ka kooban 7 Xubnood, kuwaas oo ka qeyb qaadaaya sidii gurmad iyo gargaar loo gaarsiin lahaa degaannada dhawaan laga saaray Ururka Al-Shabaab ee kuyaalla Gobolka Hiiraan, waxaana ay kala yihiin Xubnaha Guddiga.

1: Xildhibaan Siraaji Sheikh Isaaq Abdulle Guddoomiye

2: Xildhibaan Maxamud Axmed Gacal Xubin

3: Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax (Kaladire) Xubin

4: Xildhibaan Cabduladhiif Maxamuud Xaaji Cabdi Xubin

5: Xil. Axmed Cali Abuukar Xubin

6:Xildhibaan Saciid Hagar Camalow Xubin

7 Xildhibaan Maxamuud Sheekh Cali Xubin

Degaano iyo degmooyin katirsan Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, xilli dad farabadan oo kunool degaannadaas ay horayu wajahayeen Colaad beeleedyo iyo macluul ka dhalatay abaarta kajirta degaannada Maamulkaas.