AKHRISO:- Ciidamada XDS Oo Howlgallo Burburin Ah Ka Fuliyay Deegaanka Buq-aqable

0

Deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan ayey Ciidanka Xoogga Dalka ka sameeyeen howlgal qorsheysan oo lagu burburinayo meelaha gabaadka ay ka dhiganayeen maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab,

Ciidanka ayaa burburiyay dhaaman meelihi ay ku dhuumaaleysanayeen nabadiidka, waxaana halkaasi ay ku dileen 11 dhagarqabe oo ka tirsan Cadowga, Sida uu Warbaahinta Codka Ciidamada u sheegay Taliye ku-xigeenka Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan.

Deegaanka Buq-aqable oo qiyaastii dhanka galbeed 40-km u jirta Degmada Buula-burte ayaa ka mid ahayd goobaha ay cadowga dadka ku dhibaateyn jireen, balse haatan ay Ciidamada ka fuliyeen howlgalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.