AKHRISO:- Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo manta kormeer ku tagay Wasaarada Qorshaynta Dowlada Galmudug.

0

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa manta kormeer ku tagay Wasaarada Qorshaynta Dowlada Galmudug.
Madaxweynaha waxaa wasarada ku so dhaweyay Wasiirka Wasaarada Mudane Axmed Cali Mohamed.

Wasiirka Ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay waxqabadka Wasarada iyo Qaybaha ay ka kooban Tahay sido kale Madaxweynaha waxa uu so indho indheeyay qaybta uu ku shaqeeyo Mashruuca Biyoole Project.

“ Laga bilaabo manta Wasarada Qorshaynta wa in ay ka shaqaysa sidii Wasaaradaha Galmudug ay u fulin lahayeen Mashaaricda kale duwan ee caalamka laga hello halkii ay fulin lahayeen NGO” ayu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa faray Wasiirka Wasarada Qorshaynta in uu labo jibaaro shaqada Wasarada madaama Wasarada Qorshaynta ay tahay irida laga so galo Galmudug.