AKHRISO:- Guddoomiyaha gobalka Hiraan & odayaal gaaray Buula burde

0

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan isla markaana ay ku jiraan odoyaal dhaqan iyo saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray magaaladda Buula burde ee gobolka Hiiraan.

Socdaalka wafdiga oo ka baxay magaaladda Baledweyne ayaa maray wadada dheer ee laamiga ah oo xiriirisa magaalooyinka Baledweyne iyo Buula burde oo aan la marin muddo ku dhow 13 sanno.

Ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa maalmo ka hor ka xoreeyay kooxaha argagixisada ah ee Al shabaab oo muddadaas ay ka go’doomiyeen isku socodka magaalooyinka gobolka Hiiraan.