AKHRISO:- Ciidamada Dowladda oo la wareegay degmada Buq-aqable

0

Ciidamada xogga dalka oo kaashanaayo Ciidamada dib u xureeynta deegaanada Hiraan ayaa si rasmi ah ula wareegay Degmada Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in koreynta Al-Shabaab ee Degmada Buq Aqable ay ka dhigan tahay in ay gacantooda kabaxday magaalo weyn oo muhiim u aheyd jiritaan Al-Shabaab.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo ay wehliyeen Xildhibaano iyo wasiiro ka’tirsan Hirshabelle Gudoomiye ku-xigeenka Koowad ee siyaadda iyo maaliyada Gobalka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadey iyo odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan ayaa Ciidamada dib u xoreynta degaannada Gobalka Hiiraan ee ka barbar dagaalamayo Ciidamada Qalabka sida ku booriyey inay laba jibaaraan dadaalka ay bixinayaan iyo sida aay u xaqiijiyeen Abaabulkii xiliga adag aay ku bilaabeen oo aay isaga xureeynayeen Al-Shabaab.