AKHRISO:- Ciidamada dowladda & kuwa Macawiisleyda oo degaano horleh la wareegay

0

Ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee Macawisleyda oo is garabsanayo ayaa weli howlgallo xoogan ka wada degaano katirsan Gobolka Hiiraan, iyaga oo saakay la Wareegay degaanka Ceeymey oo dhow Magaalada Dabayoodle ee Galbeedka Degmada buulo barde.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya Gudoomiyahii hore ee Degmada buulo-barde Feysal Haajir Adan iyo Ciidamo uu wato, iyaga oo Gudaha u galay Degaanka Ceeymey oo 15 KM u jirto Degmada buulo barde dhanka Galbeedka una dhaw Degaanka Dabayoodle oo kamid ah fariisinka Al-Shabaab,

Ciidamada Dowladda iyo xoogaga degaanka ayaa sheegay in uusan wax dagaal ah egaankaas ka dhicin oo ay si Nabad ah kula Wareegeen, Isla markaana ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Shalay ayey aheyd markii Ciidamada huwanta ay ay howlgallo kula Wareegeen degaanada kala bar-kuus iyo Geed-Galow oo dhamanatood katirsan Degmada buulo barde Gobolka Hiiraan iyo Magaalada Moqokori oo ay siweyn ugu xooganaayeen Al-Shabaab.