AKHRISO:- Baarlamaanka Puntland oo Maanta kulan yeelanaya & Guux kajira

0

Waxaa lagu wadaa in Manta Xildhibaannada Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland ay Magaalada Garoowe ku yeeshaan kulan xasaasi ah oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Warar kala duwan oo soo baxayay maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegayay in Baarlamanka Puntland ay diyaarinayaan in ay kalsoonida kala noqdaan wasiiro ka tirsan xukuumadda, hayeeshee xalay kulan arrintaasi looga gortagayay ay yeesheen Madaxweyne Deni & Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xogaha la helayay ayaa sheegayay in Baarlamaanka Puntland ay doonayeen inay kalsoonida kala noqdaan Wasiiro ay ku jiraan wasiirka Caafimaadka, wasiirka Dekedaha, wasiirka Amniga iyo Wasiirka Duulista Hawada.

Kulanka Baarlamaanka Puntland ee Maanta ayaa isha lagu wada hayaa wallow Warar soo baxaya ay sheegayaan in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu farogeliyay, Isla markaana la filayo inay Baarlamaanka ka laabtaan qorshohoodii kalsooni kala noqoshada ahaa.