AKHRISO:- Ciidamada dowladda oo la wareegay degaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

0

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada fara ku tiriska ah oo Al -Shabaab kaga sugnaayeen Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ururka 41aad guutada 5aad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka, Cabdi Muumin Cilmi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u xaqiijiyay in Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanka ka hor inta aysan ciidanka gaarin.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka xoogga ay la wareegeen deegaanka Tardo oo ku dhow deegaanka Moqokori isla markaana si buuxda ay gacanta ugu haayaan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ayaa weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada gobolada Hiiraan & Galgaduud, waxaana sidoo kale jira degaano katirsan Gobolka Galaduud oo Maanta ay la wareegeen.