AKHRISO:- Puntland oo kasoo horjeesatay go’aan kasoo baxay dowladda Soomaaliya

0

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dawlad Goboleedka Puntland ayaa ka hortimid go’aan ay ku sheegtay sharci darro oo kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ah in cid aan aheyn Dowladda Soomaaliya aysan bixin karin Shatiga Kalluumeysiga.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dawlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Dastuurka dalka qodobkiisa 44aad uu cadeynayo in qeybsiga kheyraadka dalka ay ka wada xaajoon karaan dowladda federaalka & dowladaha Xubnaha ka ah, iyada oo loo marayo qaab dastuuri ah, isla markaana ay sharci darro tahay qaab kasta oo kasoo horjeeda qodobka 44aad ee qeybsiga keyraadka dalka, iibinta & ka wada xaajoodka waxkasta oo kheyraadka dabiiciga ah.

Warsaxaafadeedka Puntland oo aad u dheer kana kooban laba bog ayaa waxaa lagu sheegay hadii la xumeeyo qodobka dastuuriga ah ee sheegaya in qeybsiga kheyraadka dalka ay ka wada xaajoon karaan dowladda federaalka & dowladaha Xubnaha ka ah ay keeni karto amni darro iyo xasilooni siyaasadeed.