AKHRISO;- Mareykanka oo lacag horleh ugu deeqay Somalia & DFS oo baaq deg deg ah dirtay

0

Ergeyga Gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa deeq-bixiyaasha caalamka ku boorriyey in ay degdeg uga jawaabaan gurmadka abaaraha Soomaaliya ee ku sii socda heerka macluusha, isagoo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya lagu gacan siiyo sidii ay khayraadkeeda uga faa’iidaysan lahayd, taasoo xal u ah soo noqnoqadka abaaraha., xilli uu dalka Mareykanka uu shirkula yeeshay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka

Shirka oo looga hadlayey ka jawaabista abaaraha Geeska Afrika ayaa waxaa wadajir u soo qaban-qaabiyey dawaladda Talyaaniga, Maraykanka, Ingiriiska, Qatar iyo Qaramada Midoobay, iyadoo ay ka soo qayb-galeen in ka badan 30 dawladood, Ururka Islaamka, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo Gargaarka Caalamiga ah.

Shirka waxaa qayb ka ahaa Madaxa USAID Ms. Samantha Power, Wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee dawladda Ingiriiska Rt. Hon. Vicky Ford, Wasiir ku xigeenka arrimaha Dibadda Talyaaniga, E. Ms. Marina Sereni, Ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Abdiaziz Al-khulayfi.

Sidoo kale waxaa shirka ka soo qeyb galay Ku xigeenka xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimada iyo gurmadka degdegga ah, Martin Griffiths iyo Madaxda Hay’adaha Oxform, ICRC, WFP, IOM iyo IRC, halka uu xiriiriye ka ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Miliban.

Ugu danbayn Ergeyga Gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa u mahad-celiyey dawladihii deeqda yaboohay, gaar ahaan dawladda Maraykanka oo ku deeqday $150 Malyan oo deeq hor leh ah, taas oo loogu talo galay in lagu caawiyo dadka ay abaarta ku saameysay Soomaaliya.