AKHRISO:- Maamulka Koonfur Galbeed & howlgalka ATMIS oo ka shiray bilaabashada howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa Gudoomiyey Shirka Gollaha Amniga Koonfur Galbeed oo Maanta ka qabsoomay Magaalada Baydabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Baay, Sakiisha Laamaha Amniga, Booliska, Mileteriga, Nabad Sugida, ATMIS iyo Sarakiil Ka socday Dowladda Ingiriiska ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta howlgallada socda & ka hortaga weerarada Al-Shabaab.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa looga hadlay Howlgallada looga saarayo Al-Shabaab Goobaha ay kaga sugan yihiin degaannada Koonfur Galbeed oo ay kasoo abaabulaan weerarada qorsheysan.

Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed. Maxamed Isaaq Cabdi ayaa u mahadceliyey Ciidamada qeybahooda kala duwan ka qeybqaadashada Sugida Amniga degaannada Koonfur Galbeed, waxaana Saraakiisha uu faray in loo diyaar garoobo Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada diyaar garoowgii ugu dambeeyay eek u aadan sidii degaannada Maamulkaas uga bilaaban lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.