AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo faah faahisay qodobada looga hadlayo shirka QM

0

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu qeyb ka yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa Magaalada New York uga qeyb galaya Shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Shirka oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa looga hadlayaa waxyaabaha kajira sanadkaas dunnida iyo sida looa gudbi karo, iyada oo Madaxda ay is dhaafsadaan arragtiyo kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse oo kulanka faah faahinayay ayaa sheegay in shirka 77aad ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa oo ay xubno ka yihiin 193 dowladood, diirada lagu saarayo Xalka loo marayo Wadajirka, Joogteynta iyo Sayniska.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kulanka looga hadlayo amniga guud ee Caalamka, gaar ahaan meelaa ay xasaradaha kajiraan, Cunto yarida iyo in sigaar gaar ah looga hadli doono arrimaha quseeyo dowladaha Caalamka, Is la markaana kulanka ay khudbado ka jeedin doona Madaxweynayaasha ka qeyb galaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa inta uu socdo shirka waxaa ay kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doonaan madaxda ka qeyb galeysa shirka.