SAWIRO:- Madaxweyne deni oo kulan xasaasi ah la qaatay guddiga KMG ee doorashooyinka

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan gaar ah la qaatay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland iyo Ururada Bulshada rayidka ah ee Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay Doorashada hal qof iyo hal cod ee goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland, oo loo diyaar garoobayo dhowaan in ay ka qabsoomto degmooyinka Puntland.