SAWIRO:- Madaxweynaha Galmudug Oo Daah-furay Shirweynaha Dib U Hishiinta

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayaa maanta ka daah furay xarunta madaxtooyada ee Magaalada Dhuusamareeb shirweynaha dib u heshiisiin ah oo lagu dhammeynaayo khilaafaadka iyo gacan ka hadalka soo laablaabta ee ka dhex jira Beelaha Galmudug kuwada Abtirsada, Si fursad loogu helo la dagaalanka argagaxisada iyo ka miro dhalinta gulufka lagu cirib tirayo argagaxisada ee ka socda Deegaanada Galmudug.

Shirweynahaan oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda arrimaha Gudaha Galmudug oo kaashaneysa madaxtooyada Galmudug, Waxaa furitaankiisa ka qeyb galeen madaxda dhaqanka beelaha Galmudug, iyagoo munaasabada ka sheegey in ay muddo dheer sugayeen shirweynahan Oo kale.

Cabdi Maxamed Jaamac Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Ayaa yiri ” Muhiimada aan shirkaan u qabanay ayaa ahaa,In heshiis rasmi ah ay wada gaaraan madaxda dhaqanka Galmudug, isla markaana Dowlada fulin doonto Wixii lagu hishiiyo dhankooda”

Axmed Cabdi Kaariye Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo shirka si rasmi ah u furay Ayaa yiri ” Waxaan ka xumahay colaadaha beelaha walaalaha ah ee joogtada noqday,Waxaana soo abaabulaan Argagaxisada Al-Shabaab oo hadafkoodu yahay,Inay kala dhantalaan Shacabka”.