AKHRISO:- Guddi 25 Xubin Ka Kooban Oo Loo Xilsaray Xalinta Arrimo Ka Taagan Gaalkacyo

0

Kulan ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin, waxgaradka iyo Cullima’udiinka, ayaa maanta lagu qebtay magaalada gaalkacyo. Waxaana kulanka looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen koontaroolka dhanka koonfureed ee Magaalada Galkacyo, Gawaarida ku xayiran,Siddii loogu soo deyn lahaa,Sida ugu dhaqsiyaha badan.

Kulanka, ayaa waxaa ka mid ah mas’uuliyiin ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka Galmudug Maxamuud Guure Guuleed.Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galkmudug ,Guddoomiye ku xigeenka Maxkamada Sare, ee Galmudug Sheekh Cabdulqaadir dhagayare Jenaraal,Cabdi jaamac Cabdule Xabeeb la taliyaha Amniga ee Madaxweynaha Galmudug Axmed cabdi kaariye Qoor Qoor, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Galmudug Gashaanle Sare Maxamed Nuur Cali, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobalka Mudug Gashaanle dhaxe Cali Muuse Maxamuud, Duqa Dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug ee Galmudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar, Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cabdi aadan Gaboobe iyo Qaar ka mida Odayaasha dhaqanka iyo Cullimada Gobalka Mudug.

Gunaanadka kalfadhiga koowaad ee kulanka, ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 25 xubnood, kuwaas oo ka shaqeyn doona meel marinta iyo ka shaqeynta sidii si nabad iyo is afgarad loogu dhameyn lahaa Caqabadaha taagan.

Kulanka maanta waxa uu kusoo beeg mayaa xilli xaalad cakarin ay ka jirto Qeybo ka mida magaalada Galkacyo taas oo abuurtay in Gawaari aad u badan iyo rakaabkii la socday ay ku xayirnaadaan koontaroolka dhanka koofureed ee Magaalada Gaalkacyo.