AKHRISO:- Dhimasho & dhaawac ka dhashay shil Gaari oo ka dhacay Somaliland

0

Inta la xaqiijiyay laba Ruux ayaa geeriyootay 7 kalena waa ay dhaawacmeen kadib shil Gaari oo ka dhacay Magaalada Gibileey ee degaannada Somaliland.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari Wiish ah iyo Bas, xilli ay marayeen Koontoroolka Bari ee Magaalada Gibileey, sida ay Warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamada ilaalada & Nabadgelyada waddooyinka ee Somaliland ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo Xabsiga dhigay darawalada labada Gaari, sidoo kalena Isbitaalka Magaalada Gibileey geeyay 7-dii Ruux eee ku dhaawacmay shilka.

Shil-baabur ayaa ka dhacay Caawa kantarolka bari Ee Magaalada Gabilay, Kaasi Oo Sababay Dhimashada Laba Qof Alle Hawnaxatiistee iyo 7 Qof oo Dhawaca Sidaan Wararka Ku Helayno.

Degaanada Somaliland ayaa waxaa aad ugu badan shilalka Gaari, waxaana inta badan loo sababeeynayaa in darawalada qaarkood ay si xawli ah ku wadaan gawaarida.