Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay madaxa Bariga Afrika ee Hay’adda Socdaalka Aduunka ee (IOM) Mudane Mohammed Abdiker oo uu weheliyo madaxa howlgalka Soomaaliya ee hay’adda Mudane Franz Celestin.
Madaxada Hay’adda Socdaalka Aduunka ee Bariga Afrika Mudane Mohammed Abdiker ayaa marka hore waxa uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe warbixin ka siiyey waxyaabihii ay dalka ka qabatey hay’adooda isagoo soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Golaha Shacabka ee BJFS iyo Hay’adda IOM,dhinaca kalena waxa uu sheegay in ay ka taageeri doonaan sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka,
Dhanka kale Mudane Franz Celestin, ayaa isna dhankiisa sheegay in hada Hay’adda Socdaalka Aduunka IOM ay gacanta ku heyso kumanaan barakacayaal Soomaali ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyey shaqooyinka ay Hay’adda ka wado dalka iyo dedaalada Hay’adda wax ugu qabaneyso barakacayaasha dalka ku nool.