AKHRISO:- Madaxweyne Cagjar Oo Sheegay In 600 Shabaab Ah Ay Ku Dileen Dagaaladii Xadka.

0

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustaf Cagjar ayaa markii u horeysay si faahfaahsan uga hadlay khasaaraha Shabaab ay ku gaarsiiyeen saddexdii dagaal ee u danbeeyay ee ciidankooda iyo Shabaab ku dhexmaray xadka.

Cagjar oo hortagay baarlamaanka dowlad deegaanka oo uga jawaabayay su’aalo ay weydiinayeen ayaa sheegay inuu rumeysan yahay 600 oo Shabaab ah iney ku dileen weeraradaasi oo qaarkood saraakiil ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan aaminsanahay in 600 oo Al-Shabaab ah lagu dilay howlgalladii maalmahaan socday, illaa kuwii shalay, adna waxbaa kaa dhimanaya dabcan, aan ku dilo oo waxbana iga dhiman maayaan socon mayso, waa in la ogaado inaan dagaal ku jirno,” ayuu yiri Cagjar.

Madaxweynaha dowlad deegaanka, Mustafe Muxumed Cagjar ayaa dhinaca kale sheegay iney fashiliyeen isku day kooxda Shabaab ay ku damacsaneyd iney saldhigyo waaweyn uga sameysato gudaha Itoobiya, si ay u carqaladeeyaan amniga.

“Ujeedadoodu waxay aheyd inay deegaanka soo galaan, ciidan fara badan soo galiyaan, oo halkaas ay ka jabhadeeyaan. Laakiin, fursadaas lama siin,” ayuu raaciyey madaxweynuhu.

Si kastaba, Kooxda Shabaab ayaa inta lagu jiray bishan saddex weerar ka geysatay deegaano ay maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabelle xadka kala wadaagaan dowlad deegaanka, iyadoo Shabaabku dhankooda iyana sheegeen in weeraradaasi ay jab xoogga ku gaarsiiyeen ciidanka Liyuu Boolis oo garab ka helayay milatariga Federaalka Itoobiya.