AKHRISO:- Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Xariga kajaray Laami Muhiim ah

0

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan, ayaa maanta xarigga ka jaray waddo laami ah oo dhererkeedu yahay 8 KM oo ku taalla inta u dhaxeysa Sinujiif iyo Ceelka Qalqalooc ah taasoo dib-u-dhis iyo dayactir ay ku samaysay Shirkadda Albashid – ACCOM.

Dhismaha waddadan la dhisay waxaa ku jira buundooyin ay waxyeello ka soo gaartay roobab ka da’ay deegaanka 2019-kii, iyadoo burburka uu roobku geystayna uu marba marka ka dambeysa sii socday, sannadkii 2021 dowladda Puntland waxay xoogga saartay dib-u-dhiska wadadan iyo buundooyinka, waxaana lagu guulaystay maanta.

Maxaa laga qabtay dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ay fulisay Shirkadda Albashid ACCOM?
Albashid ACCOM waxay ku guuleystey dhamaystirka dhismaha waddada u dhaxaysa Boosaaso ilaa Qardho oo leh 4 buundo oo ku yaala wadada Qayaadsame oo ah halbowlaha isku xidha Puntland iyo Soomaaliya.

Dhanka mashruuca Sinujiif – Ceelka Qalqallooc oo maanta la daah-furay waxaa laga dhisay 37 goobood buundooyin shub ah oo la geliyey 48 dhuumood (Culvert Pipes) dhex-roorkoodu yahay 1200mm iyo 900mm.

Waddada waxaa la dhigay 8 Kiilo mitir oo laami ah, waxaana la balaariyay laamiga dhexe oo ballaciisu ahaa 6.0m, waxaana hadda laga dhigay ballac dhan 8.0m.

Waxaa la dayactirey buundada Midigar iyo Box Culvert-ga u dhow iyadoo lagu xirey Gabion Box, isla markaana waxaa la dhigay dhagxaan waaweyn halka biyuhu ka baxaan (downstream area) si looga ilaaliyo inaysan qodmin (Erosion Control).

Tayada iyo tirada buundooyinka jiifka ah ayaa la kordhiyey si ay biyuhu u helaan meelo badan oo ay maraan.
Hadda laamiga Garoowe ilaa Boosaaso waxaa ka socda dayactir xooggan oo tayadiisu aad u sarayso.
Shirkadda Albashid ACCOM waxay uga mahadcelinayaa masuuliyiintii dowladda ee qaybta weyn ka qaatay hawshan.