AKHRISO:- Diyaarado duqeyn Maanta ka geystay degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya degaanka Coomaad oo hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay duqeyn ka geysteen diyaarado dagaal.

Degaanka Coomaad ayaa waxaa ku sugan Xubno katirsan ururka Al-Shabaab, waxaana la sheegay in duqeynta lala beegsaday Saldhigyada Al-Shabaab ee degaanka Comaad, sida dadka degaanka ay sheegeen.

lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka, waxaana wararka ay intaasi kudarayaan in xilliga duqeynta ay dhaceysay ay dhaq dhaqaaqyo cidian wadeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Dad diiday in Mgacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa Risaala u sheegay inay maqlayen jugta duqeynta balse aysan weli kala cadeyn khasaaraha kasoo gaaray Al-Shabaab, iyada oo la diiday in loo dhawaado halka ay ka dhacday dqueynta.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa inta badan duqeymo la beegsada Saldhigyada Al-Shabaab, waxaana duqeyntaan ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan Xubno katirsan ururka Al-Shabaab oo ka gudbay xadka gobolka Hiiraan ay weerareen degaano katirsan dowlad degaanka Soomaalida.