AKHRISO:- Maamulka Jubbaland oo Amar dul-dhigay Hay’adaha Caalamiga & Ganacsatada

0

Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaasoo saaartay Amar ku socda dhammaan hay’adaha Caalamiga ah ee ka howlgalla degaannada Jubbaland & Ganacsatada waaweeyn kaas oo la xiriira dhanka Amniga.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland Janeraal Yuusuf Xuseen Cismaan ( Dhuumaal) ayaa lagu wargeliyay dhammaan Hay’adaha (Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah), Shirkadaha, Hoteelada iyo Ganacsiyada waaweyn in ilaalada goobahooda ay weydiistaan Shirkadaha Amniga ee ka diiwaangashan Dowlad goboleedka Jubbaland.

“ Iyadoo la ilaalinayo amniga guud ee Jubbaland, lagana duulayo xayiraada waxyeelada hubka sharci darada, lana sugayo amniga iyo kala dambeynta dowladnimada, waxaa lagu wargelinayaa dhamaan goobaha kor ku xusan, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 25- July 2022 1laa 25-August 2022 in ilaalada goobahooda ay weydiistaan shirkadaha amniga ee ka diiwaan gashan Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa ku wargelisay Hay’adaha Caalamiga ah, Hoteellada & Shirkadaha waaweyn in laga bilaabo 09-August 2022 dhamaan hubka sharci darrada ah ee lagu arko xarumaha kor kuxusan hubka laga aruurin doonto.

Ugu dambeyn Dhamaan hay’ adaha ay quseeyso fulinta amarkan ayaa waxaa la farayaa in ay gutaan waajibaadka marka la gaaro xiliga la cayimay hadii kale tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Amarkaan kasoo baxay Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kusoo beegmaya xilli dhowr jeer weeraro ay ka dhaceyn degaano katirsan Maamulkaas , kaas oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen Al-Sbaab.