AKHRISO:- Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Ururada Haweenka degmada Dhoobleey

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta la kulmay ururka haweenka ee Degmada Dhoobley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Haweenka Degmada Dhoobley oo dadaalo badan ku bixiya dib usoo celinta bilicda magaalada laf-dhabarna u ah bulshada ayaa Madaxweynaha Jubbaland waxa ay oga warbixiyeen howlaha ay ka qabtaan Degmada, baahiyadkooda iyo hormarada ay hiigsanayaan xiligan.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeeyntii u mahadceliyey ururka haweenka Degmada Dhoobley dadaalada ay ku bixiyeen hormarka deegaanka.