AKHRISO:- Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan

0

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso oo meelaha fogfog laga hago ayaa Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya waxaa lagula eegtay duleedka Waqooyi ee Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa xilliga la qarxinayau howlgalo ka waday wadada u dhaxeeysa Magaalada Beledweyne & degmada Matabaan, waxaana Qaraxa uu qabsaday Gaari ay saarnaayeen rag ay Wariyeyaal kamid yihiin.

Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ilaa Saddex qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay kamid yihiin dadka dhaawacmay Wariyeyaasha Khaalid Muxumed (Ilkacase) iyo Cabdikariin Shabeellow iyo Nin kale oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Gureey.

Gaariga qaraxa uu qabsaday ayaa qeyb ka ahaa kolonyo kamid ah Ciidamada Dowladda iyo madaxda Gobalka Hiiraan oo Howlgallo ka wada wadada u dhaxeeysa degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxaas ayaa la keenay Gudaha Magaalada Beledweyne, waxaana la sheegay in Ciidamada ay weli howlgallada ay sii wadaan.