AKHRISO:- Deni Oo Kulan Deg Deg Ah Isugu Yeeray Taliyayaasha Gobolada Puntland.

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray dhamaan taliyayaasha ciidamadda gobolada Puntland, iyadoo kulanka uu ka dhacayo caasimadda Garoowe

Si dhab ah looma oga waxyaabaha uu madaxweynaha kala hadli doono saraakiishan, waxeyse ku soo aadeysaa xili wali uu khikaaf kala dhexeeyo kuxigeenkiisa Karaash iyo dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh oo aanu isku wanaagsaneyn, maadaama uu ra’iisul wasaare ka waayay.

Go’aankan ayaa ku soo aadaya xilli amni daro laga soo sheegayo qaybo kamid gobolada hoos yimaada maamulka Puntland, xili waxaana Galkacayo iyo degmooyin Mudug ah maalmahaan kooxo hubeysan ay qabsanayeen baraha kontroolada.

Sisoo kale isu yeerida taliyayaasha ayaa ku soo aaday iyadoo Dhowaan ay aheyd markii kooxo cabtooy ah ku dileen magaalada Qardho Taliyahii Saldhiga ee degamadaas.