QORMO:- SOOMAALIYA WAXA KA DHACDAY DOORASHO CAJIIB AH OO TAARIIKHO REEBTAY IYO CASHARRO MUHIIM AH!

0
Doorashada madaxtinnimo ee Soomaaliya waxa ay dib u dhacday muddo sannad iyo dheeraad ah, ugu dambaynse waa ay qabsoontay 15,5,2022.
Doorashadaasi waxa ay noqotay mid yaabab leh, casharro badanna laga baran doono.Waa markii koowaad oo Madaxwayne hore dib loogu doorto isla xilkaa Taariikhda Dawladnimada Soomaaliya, taas oo ah arrin ugub ah oo aan hore udhicin.
Xasan sheekh maxamuud ayaa markale loo doortay jagada Madaxwaynaha Soomaaliya ee 2022 ilaa 2026, wuxuuna jabiyay dhaqan-siyaasadeedkii ahaa inaan madaxwayne hore dib ugu soo noqon talada.

Xasan waxa uu ka yimi dhanka Bulshada Rayidka ah, isagoo ka mid ahaa macallimiinta Caasimadda dalka ee Muqdisho, horena usoo noqday Madaxwaynaha Soomaaliya 2012 ilaa 2017.

Arrinka kale ee cajiibka ah ee doorashadaas laga diiwaangaliyey: waa in Baarlamaanku ka codeeyay oo riday, siyaasigii ugu shacbiyadda badnaa dhammaan Taariikhda dawladnimada Soomaaliya:Maxamad Cabdullaahi Farmajo, talada dalkana hayay 2017 ilaa 2022, Shacab-wayne-huna uu doonayay inuu siyaasigaasi markale kusoo noqdo xukunka.
Farmaajo oo Soomaaliya kasoo noqday Raysul-wasaare 2010_2011, xilligaas oo uu kasbaday shacbiyad ballaaran, markii dambena ku guulaytay jagada ugu sarraysa Dalka, waxa lagu xasuusan doonaa inuu ilaashaday/adkaystay taageeradii shacabka muddadii uu talada qabtay:8,2,2017 ilaa iyo 2022 oo lagaga guulaystay Doorashada Madaxwaynenimo.

Haddaba M.W. cusub ee Xasan Sh. Maxamuud oo ah Aqoonyahan iyo oday Soomaaliyeed, waa in uu ilaaliyaa, Masuuliyadaha ka saaran ummadda ee ay ugu muhiimsan tahay dhinacyada kala ah:
1:Mabaadi’da Diin,Dal,Af,Dhaqan iyo Jiritaanka ummaddnimo ee Soomaalida.
2: Amniga 3:Dhaqaalaha 4: Arrimaha Bulshada 5:Nidaamka dawladeed I.W.M.

M.W. hore Maxamad Cabdullaahi Farmaajo,
Guulo waawayn ayuu waddanka usoo xaqiijiyay, waxuuna uu kaga duwanaa madaxda kale inuu lahaa: Toosnaan iyo haybad shakhsiyadeed(Charisma,قوة الحضور) taasi oo uu ka keenay Shacbiyadda uu haysto.
Farmaajo hoggaamintiisa guud marka laga yimaaddo waxa uu ku wanaagsanaa Siyaasadda Arrimaa Dibedda iyo la dhaqanka shisheeyaha; taasina layaab maleh oo ninku wuxuu soo bartay Cilmiga Siyaasadda: Jaamacadda Buffalo ee New york, U.S.A, sida lagu sheegay warbixin ah ka diyarisay Shabakadda Aljasiira(¹),
Mustaqbal wanaagsan ayaan urajaynayaa inshaa’allaahu.

Waxa kale oo xusid mudan injineerkii labaad ee siyaasadda dalka 2017_2022:Fahad Yaasiin Xaaji daahir.
Fahad wuxuu ahaa laacib wayn oo mabda, maskax iyo dedaal xooggan waddankiisa ugusoo shaqeeyay, waana sababta keentay in waddanku helo 5_tii sano ee tagtay Nidaam adag oo asaagii la tartami kara, waxa uuna kamid yahay shakhsiyaadka aaminsan fikradda Soomaali-Wayn.

Ugu dambayn Doorashadaas waxa laga baranayaa Laba cashar oo muhiim ah:
1:Talada Soomaaliya waxay gacanta ugu jidhaa Xulka siyaasadda(political elite,النخبة السياسية),Shacabku-se quluub ayuu hayaa ee ma hayo talo, taasina waa dulmi wayn oo laga galay shacabka.

2:Shacabku wuxuu Talo yeelanayaa marka waddanka la gaarsiiyo Doorasho Qof iyo Cod ah(direct election,انتخاب مباشر),
waana sida Caddaaladdu tahay,mana muuqato wali shaqadaasi.

Ummaddeennu waxay ubaantahay Xul Hoggaamineed oo aqoon iyo daacadnimo ku tilmaaman, yaqaanna Taariikhda iyo Mabaadi’da Ummaddooda.
Waxaan rajaynayaa Isbeddel wanaagsan oo Soomaalida ka yimaadda, Macasalaama.

Tixraaca:
(¹):qaybta:Shakhsiyaad_شخصيات-
Taariikhda:9,2,2017)

Qore:Shucayb Cabdisalaam Cabdullaahi
Sanaag,soomaaliya.

19,5,2022.