DEG DEG: Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo shaqo joojin lagu sameeyay

0

Ra’iisal wasaaraha XFS Mahamed Xuseen Rooble ayaa baabi’iyay warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xernaa xeebaha dalla Cumaan.

Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa shaqada ka joojiyay wasiirka arrimaha debadda Cabdisaciid Muuse Cali .

Waxaa uu amray in Hay,addaha dowladda ay ku sameeyaan baaritaano sababta keentay in uu falkaan dhaco.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Hantidhowraha qaranka iyo Hey’adaha amniga wuxuu faray inay baaritaan ku sameeyaan falkaan sidii uu u dhacay, kadibna ay u gudbiyaan hey’adaha garsoorka dalka.