AKHRISO:- Xildhibaan sheegay in Muqdisho laga wado abaabulka qorshe xilka looga tuurayo Laftagareen

0

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in rag Siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed ay Magaalada Muqdisho ka wadaan qorsho ay ku doonayaan in xilka looga tuuro Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis (laftagareen).

Xildhibaanka oo ka hadlayay kulan ka dhacay Magaalada Baydhabo wuxuu sheegay in ciddii rabta inay meesha ka saarto Madaxweyne laftagareen markii xilkiisa uu dhamaado ay tallaabadaas qaado, balse ay ogaadaan dhibaatada ay leedahay in maamul dhisan la burburiyo sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dadka abaabulka wada ay yihiin dad ka yimid dalka dibaddiisa, kuwaas oo aan ogeyn dhibaatada loo soo maray dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay inay la dagaalami doonaan cid kasta oo isku dayda inay carqaladeeyso Maamulka Koonfur Galbeed.

Hadalka Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadaya xilli dalka loo doortay Madaxweyne Cusub, isla markaana uu meesha ka baxay Madaxwrynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo siweyn u taageeri jiray Maamulka Koonfur Galbeed kana qeyb qaatay doorashadii Madaxweyne Cabdi Casiis (laftagareen).