AKHRISO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Galmudug & Jubbaland kala hadlay waxka qabashada dhibaatooyinka kajira degaannadooda

0

Madaxweynaha Cusub ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qaatayMadaxweyne ku xigeennada dowlad Goboleedyada Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo Galmudug Cali Daahir Ciid.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo sidii si wadajir ah looga shaqayn lahaa Danta Dalka iyo Dadka.

Wararka Risaala heshay ayaa sheegaya in dhinacyadu ay isla soo qaadeen sida laga yeelayo xaaladda Gobolka Gedo iyo waxka qabashada dhibaatooyinka Amni darro ee kajira degaannada Maamulka Galmudug.

labada Madaxweyne kuxigeen ee Galmudug iyo Jubbaland ayaa sheegay inay wadashaqeyn dhow la yeelan doonaan dowladda Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si loo wada anbaqaado dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland aya waxaa weli caqabad ay ka heeysataa Gobolka Gedo oo gacan tooda ka maqan halka Maamulka Galmudug ay degaannadooda dhibaato ku hayaan Al-Shabaab iyo Colaad Beeleedyo soo laab laabtay.