AKHRISO:- laamaha Amniga Soomaaliya oo baadi goobaya maleeshiyaad dilal geystay

0

Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Maamulka Galmudug ayaa degaano kamid ah waqooyiga Gobolka Galgaduud ka bilaabay howgallo lagu baadigoobayo malleeshiyaad dilal u geystay dad Shacab ahaa.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa shalay Gelinkii dambe waxaa ay aanooyin qabiil laba qof oo Shacab ahaa ugu dileen degaan lagu Magacaabo Ceelasha biyaha oo kuyaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Ballanbal ee Gobolka Galgaduud kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada howlgalka wada ayaa waxaa hoggaaminaya mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka Cabudwaaq iyo Xeraale, waxaana ay sheegeen inay rajo weyn ka qabaan soo qabashada ragga dilalka u geystay labada ruux.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa muran dhuleed waxaa uu ka taagnaa degaanno ku xeeran degmooyinka Cabudwaaq, Xeraale iyo Magaalada Cadaado, waxaana taasi ay keentay in dad Xoolo dhaqato ah si bareer ah loo dilo, waxaana degaannada ay dilalka ka dhaceen ka taagan xiisad keeni karta inay dhinacyadu dagaal toos ah galaan.