AKHRISO:- Madaxweynaha Jubbaland oo IOM kala hadlay dib usoo celinta qoxootiga

0

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay madaxa Hay’ada Socdaalka aduunka ee IOM ee Soomaaliya Frantz celestin .

Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha dib usoo celinta qoxootiga iyo tageerada dadka gudaha dalka ay ku saamaysay abaartii bilo kahor dalka ku dhufatay iyo sidii xal waara loogu heli lahaa masiibooyinka dabiiciga ah.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa uga mahad celiyay madaxa Hay’ada Socdaalka aduunka ee IOM ee Soomaaliya booqashada uu ku tegay Kismaayo, isaga oo sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta ay la leeyihiin Hay’adda IOM.

Dad farabadan oo ka barakacay degaannada Jubbaland ayaa qaxooti ku ah wadamada Caalamka qaarkood, kuwaas oo qaarkood doonaya inay dalka dib ugu soo laabtaan.