AKHRISO:- Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray degaanka Ceelmacaan

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ugu kuurgalay xaaladaha guud ee deegaanka sida amniga, iyo tan kaluumeysatada deegaanka.

Kaluumeeysatada degaanka ayaa mudooyinkii dambe ka cabanayay maraakiib shisheeye oo xaalufin ku hayay kalluunka iyo wasaq ay sheegeen in lagu daadiyay xeebaha.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo goobjoog ka ahaa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.