AKHRISO:- Guddoomiyaha Aqalka Sare & Safiirka Itoobiya oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa Xafiiskiisa Aqalka Sare Maanta oo Axad ah waxaa uu ku qaabilay Safiirka Dalka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan, iyaga oo labada mas’uul ay ka wada hadleen Arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Safiirka Itoobiya Guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa, waxayna ka wada hadleen adkaynta xiriirka diblumaasiyaddeed ee labada Dal.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa Safiirka uga mahad celiyay dadaalka ay dowladda Itoobiya uga qeyb qaadaneyso nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya maadaama ay yihiin laba dal oo deris ah.

Dhankiisa ayaa Safiirka Dalka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan wuxuu sheegay in dowladda Itoobiya ay wadashqeyn dhow la yeelan doonto dowladda Cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Itoobiya ayaa kamid ah dowladaha Ciidamada u soo diray Soomaaliya, kuwaas oo ku howlgalla magaca Midowga Afrika ee ATMIS, iyaga oo dagaal kula jira Ururka Al-Shabaab.