AKHRISO:- Weerar bambaano oo ka dhacay Beledweyne & howlgallo ka socda

0

Bam-gacmeed ayaa xalay lagu tuuray Xafiis ay ku sugnayeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku yaal Xaafada Bundaweyn ee Magaalada Beledweyne, waxaana weerarkaasi bambaano ay dhaawacyo kasoo gaareen Askar, mas’uuliyiin iyo dad kale .

Illa saddex ruux oo u ku jiro Xoghayaha xaafadda buundaweyn ayaa ku dhawacmay Weerarka bambaano ee ka dhacay xaafadda Buundo-weyn ee Beledweyne.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska ayaa tegay halka uu weerarka ka dhacay, iyaga oo xalay ilaa saaka ka wada howlgallo lagu soo qabqabtay dad looga shakiyay inay geysteen weerarkaas, kuwaas oo u badan Dhalinayaro.

laamaha Ammaanka Magaalada Bedweyne ayaan faah faahin weli ka bixin weerarka bambaano, hayeeshee dhowr jeer ayaa sidaan kale uu ka dhacay weerar bambaano oo geystay dhimasho iyo dhaawac Xaafadda Buundaweyn ee Magaalada Bedweyne.