AKHRISO:- Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Guddoomiyaha Aqalka Sare?

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Halka uu degan yahay ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo hambalyo iyo salaan ugu tagay.

labada mas’uul oo kulankooda uu saacado badan socda ayaa isla qaatay in si wadajir ah loo dardargaliyo howlaha hortabinta leh ee hor yaalla Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkiisa ku aadan dowlad dhisida Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay in uu dadaal geliyo xalinta mushkiladaha xillugaan kajira Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay 15-kii Bishaan waxaa uu waday kulamo kala duwan, waxaana dhawaan la filayaa in uu xilka kala wareego Madaxweynaha Xafiiska sii jooga ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.