AKHRISO:- Dhimasho & dhaawac ka dhashay Gaari lagu rasaaseeyay duleedka Gaalkacyo

0

Maleeshiyo Beeleed hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay Rasaas ku fureen gaari ay Saarnayeen Dad Shacab xilli uu marayay duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa ka ambabaxay Magaalada Gaalkacyo, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in laba Ruux ay ku geeriyootay laba kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay Magaalada Gaalkacyo.

Degaanka lagu rasaaseeyay Gaariga ay saarnaayeen dadka Shacabka ah ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal la xiriiray aanooyin qabiil, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in falkan uu xiriir la leeyahay dhacdooyinkii horay u dhacay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Goobta maleeshiyaadka hubeysan ay Gaariga ku rasaaseeyeen ay ku baxeen Ciidamada xasilinta Magaalada Gaalkacyo, iyaga oo doonaya inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay falkaas.

Dhowr jeer ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug iyo degaannada hoostaga waxaa ka dhacay Colaad Beeleedyo soo laab laabtay iyo dilal qorsheysnaa walow labadii sano ee la soo dhaafay xaaladda Magaalada ay aheyd mid wanaagsan