AKHRISO:- Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha kuwaas oo Guddoomiyaha kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha soo noq-noqday.

Guddiga abaaraha ayaa Guddoomiyaha ka codsaday in qeyb ka mid ah loogu deeqo lacagihii musharaxiinta laga qaaday si wax loogu qabto dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhankiisa guddiga kula dardaarmay in sida ugu wanaagsan uu Golaha Shacabka u la shaqeeyn doono Gudigga Abaaraha.