Madaxweynaha Deni” Dhaqan gal maahan Wareegto kasta oo kasoo baxda Axmed Karaash

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sharci darro ku tilmaamay xilka qaadis & Magacaabis kasta oo uu sameeyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ay kujiraan wareegtooyinkii ugu dambeeyay oo uu soo saaray.

Qoraal kasoo baxay Madaxxweynaha Puntland ayaa waxaa la faray Hay’adaha Maamulka in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Puntland.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxweynaha Puntland.

Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.

Haddaba, waxaan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland.