AKHRISO:- Puntland oo cafis u fidisay 60 Maxaabiis ah

0

Madaxwayna ku xigeen Puntland ee dhawaan sheegay inuu la wareegay xilka madaxwaynenimo ee Puntland ayaa soo saaray Xeer Kusime Madaxweyne Lr 91, April 23, 2022 : kuna saabsan Cafis Maxaabiis bisha Ramadaan, kaas oo u dhigan.

Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markaan Arkay:- Dastuurka dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 81-aad

Markaan Arkay:- Talo soo jeedinta Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta Puntland iyo Talo bixinta Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha ee Puntland.

Markaan Tix geliyey:- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Waxaan Cafis u fidiyey Maxaabiis tiradoodu dhan tahay 60 Maxbuus oo ku kala jira Xabsiyada kala duwan ee Puntland.