AKHRISO:- Farmaajo oo u hambalyeeyay Madaxweynaha Faransiiska ee guuleystay

0

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Dhiggiisa dalka Faransiiska Emmanuel Macron guusha uu ka gaaray doorashooyinka dalkaas, kaddib markii loo doortay Muddo xileed Labaad oo Madaxweyne.

Qoraal uu Farmaajo soo dhigay bartta twitter-ka ayaa waxaa uu kuyiri” Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ay ku faraxsan yihiin in madaxweyne
EmmanuelMacron dib loo doorto waxaayna u rajaynayaan guul. Faransiiska iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya iskaashi soo jireen ah.

Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa waxaa tartan adag oo doorasho la gashay haweenayda xisbiga afkaarta fog ee Marine Le Pen.