AKHRISO:- Deni & Cali Guudlaawe oo kulamo looga hadlayo doorashada kawada Muqdisho

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay kulan la qaatay qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal ee BJFS ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Mudanayaasha Aqalka Sare kala hadlay inay dadaal badan ku bixiyaan sidii uu Senator Cali Shacbaan Ibraahim ugu guuleysan lahaa doorashada tartanka Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynayaasha ayaa kulankaan uga hadlay xiriirka iyo wadashaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeeysa Maamulada Hirshabeelle iyo Puntland iyagoo sidoo kale isla gorfeeyay arrimaha doorashooyinka oo gabo gabo maraya.

Kulamadaan dhexmaray Madaxweynayaasha Hir-Shabeelle iyo Puntland ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in toodbaadkaan Muqdisho lagu doorto Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.