AKHRISO:- Axmed Karaash oo Guddoomiye Cusub u magacaabay Gobolka Mudug

0

Madaxwayna ku xigeen Puntland ee dhawaan sheegay inuu la wareegay xilka madaxwaynenimo ee Puntland ayaa Guddoomiyaha gobolka Mudug u Magacaabay Faysal Sheekkh Cali Maxamed, kaas oo bedelaya Guddoomiyihii Gobolka Mudug Cabdiladiif Sanyare oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ah.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwayna ku xigeen Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash kuna taariikheysan 24, Apriil 2022, kuna saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay:- Baahida Shaqo ee Jirta.

Markuu tix geliyey:- Aqoontiisa iyo Waayo-Aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu u Magacaabay:- Faysal Sheekh Cali Maxamed Guddoomiyaha gobolka Mudug.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuuna saxiixay.

Waa Magacaabistii ugu horreeysay e uu sameeyo Madaxwayna ku xigeen Puntland ee dhawaan sheegay inuu la wareegay xilka madaxwaynenimo ee Puntland xilli Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu Muqdisho u joogoi doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.