Xaalad nololeed oo ka taagan Degmada Cadalle ee Gobolka Sh.Dhexe

0

Dhowr Tuulo oo hoos yimaada Dagmada Cadalle ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa wali uu ka da’in Roobka Gu’ga waxaana laga sheegaya xaalad Bini’aadanimo oo dhanka Nolosha ah.

Waxaa maalmihii u danbeeyay qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ka curta isla markaasina ka da’ayay Roobab ay ku diir sadeen dadka iyo duunyada ku dhaqan gobaladaasi.

Waxaana jirtay mudooyinkii u danbeeyay biyo la’aan iyo daaqii xoolaha oo ay la tagtay abaarihii u danbeeyay oo galaaftay xoolo farabadan halka dad qaar ay u dhinteen cuno la’aan haraad baahsan iyo Qosas sabool noqday oo Barakacay

Gobolka Sheebalaha dhexe ayaa daruurihii Roobka Guga ee u hooren waxaana ka mid ah Deegnada iyo Dagmooyinkaasi dhowr ka ah Nawaaxiga Dagmada Jowhar iyo Tulooyinka Hoos Yimaada.

Walow haatan laga soo deerinayo nolosha shacabka Xoolo dhaqatada ah ee ku nool Tulooyinka hoos taga Dagmada Cadalle ee Gobolka Shabellaha Dhexe xaladooda nololadeed madaama uu wali ka curan xiligan Roobka Guga ee sannadkan waxana Tulooyinkaasi ka mid ah Nuurdugle, Masjidka Cali Gaduud iyo deegaanada ku dhow-dhow ee hoos taga Dagmada Cadalle ee Gobolka shabeelaha dhexe.

Dadka xoola dhaqatada ah ayaa qarka u saaran in ay Tulooyinka ka barakacaan waxaana soo food saartay xaalad nolalayd oo adag dad iyo Duunyo waxa ay ugu danbaytii cod sanayan in lala soo gaaro kaalmo Bini’aadanim shacabka ku nool Tulooyinka Nuurdugle, Masjidka Cali Gaduud iyo deegaanada ku dhow-dhow ee hoos taga Dagmada Cadalle ee Gobolka shabeelaha dhexe.